Gasoorkii & xeer Ilaalintii & booliiskii Somaliland waxay noqdeen, Dulmanaha Dhibanaha, Danyaraha inay Sharciga u sutaan inay iyaga xidhaan, ….

Garsoorayaasha 7 booliiska & Xeer ilaalinra intaa shacabu wey ka cabanayaa, Billa Waaraan ayaa lanagu
soo qabtey oo Ciidan soo qabto uun loo direy, Booliisku wuxuu ku andacooda waa Dambiile qaran cidaa
la soo qabtey Sharciga ayaa la hor geynayaa, iyadoon Maxkamadi xukumin dembi lagu soo cadayn ayuu
Bilo Sanado Muwaadiiniintaasi iska xidhnaadaa, oo Garsoorayaasha & Maxkamaduhu ku dacwadaan cidii
soo dacweysey ayaa laga sugaya Dembigey ku oogayaan Subxaanalaa.
waxaad qof Muwaadina oo dhibane ah oo Shaadh Dawladeed, ama Nin Xukuumada xidhiidh la leh ama
Lacag ku faanaya uu qof bilaa Dembi ku haysto.
Meyda maxaa u dambeeyey Rag somaliland oo dawlada 7 shacabkaba ka tirsan oo Nin Ina aw Siciid la yidhaa
oo Ganacsade Reer Jabuutiya ugu xidhan yihiin Qoraale ayey k qoreen oo ay wax kaga sheegeen.
Ninkaa Ganacsadaha ahi awooda wuxuu ku helay Muuse Biixi ayey isku Reer Yihiin, & Gudoomiyaha Maxkamada
Sare Aadan Xaji Cali.
Talaw Dadkaa Dulmanaha, Dhibanaha ee Calankii Tawxiidka & Wadankoodii lagu dulmiyayo miyaanay Cuqubo
& Cawaaqib xumo ka dhalayayn oo weliba Reer ahaan loo xidhay & Garxajisnimo.
Talaw Hablaha la caayey ee Wasiir Guri Sadheeye ee Muuse Isku Reerka yihiin, muxuu Sharcigu u qaban waayey
isaga Buugiisa waa Dulmi.
Waxa Jirta oo kale Nin Qalbi Dhagax la yidhaahdo oo si weyn Somaliland loogu soo dhaweeyey, oo yidhi waxaan
ka shaqaynayaa Midnimadii Somaliya oo meel kasta waan marayaa, in Rag ka dacwoodey inuu Baabuurtoodii
gubey in loo loogu xidhey Burco & S/Land maxaad xaqiina laydinka baabi,iyey uuga hadasheen.
Sidaas Darteed, Garsoorka, booliiska & Xeer Ilaalinta Somaliland ee ku andacooda cidna ma dulmino, cidna uuma
eexano, cidma xaq daro kumo soo xidhno, bal haka jawaabaan waxa Ina AwSiciid oo Reer abuutiya ay Raga S/and
u dhashay uu ugu xidhan yahay ee isaga loogu yeedhi waayey, balha ka jawaaban Qalbi dhagax oo Hargeysa kaga
dhex dhawaaqay Midnimo Somaliya loogu sacab tumayo, Muwaadiniintii ka cawdeyna loo xidhay,.
Booliisku & Garsoorku haka jawaabo waxa Muwaadiniinta qaarna ay u xidhaan oo aanay Maxkamad geyn ee intey
doonaan haystaan iska sii daayaan, oo ay Shacabka ugu kala eexdaan Reernimo & Shaadhka Dawlada.
Dulmanaha & ka daciifka maxaa loogu tuntaa, ka Shaadh Dawladeed & Lacag daba socotana loo sii daayaa ?.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker