Howlgal lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Yoonis Aadan Xassan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay horjoogahii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Bakool, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xiirane.

Wuxuu sidoo kale sheegay Abaanduulaha in ciidamada ay howlgalka burburiyeeen goobo gambaad u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku dhibaateyn jireen shacabka ku nool deegaanada u dhaxeeya Garasweyne iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah kooxda Shabaab ee ka socda haatan inta badan gobolada dalka, kaasoo lagu doonayo in kooxda looga ciribtiro guud ahaan dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker