Warbaahinta Ugu Afka Dheer Kenya Oo Raila Odinga Ku Sifaysay Iftiin U Soo Baxay Gooni-isutaaga JSL

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa shalay baahiyey in Raila Odinga oo ah Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ODM ee Kenya, uu yahay cod xoog leh oo badhi-taari kara madax-bannaanida Somaliland. Warbixintaas oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) soo xigatay, ayaa Wargeyska Daily Nation xaqiijiyey in Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo lagu waday inuu ka soo qaybgalo shir maalgashi oo Somaliland dhowaan ku qabatay Nairobi, hase ahatee uu dhoofay 11kii habeenimo. Wargeysku wuxuu sheegay in Mr. Odinga oo xiligan ah Wakiil sare oo Midowga Afrika u qaabilsan kaabashayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta, loo malaynayo inuu kulan gaar ah la yeeshay wefti ka socday dawladda Somaliland ka hor intii aan la qaban shirkii maalgashiga, waxaana la caddeeyey in Raila Odinga uu u han weyn yahay Somaliland.

Waxa kaloo, Joornaalka Daily Nation weriyey in Bishii October ee la soo dhaafay oo xilka midowga Afrika loo magacaabay Raila Odinga ay xukuumadda Somaliland soo dhaweysay magacaabistiisii, waxaana khubarro u dhashay Somaliland ay madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyeen inay qaddiyadda aqoonsi raadinta la kaashadaan xulafadooda Midowga Afrika.

Warku wuxuu intaas ku daray in Raila Odinga uu si joogto ah u hoggaamiyey dhaqdhaqaaqyo Kenya loogu boorinayey inay u aqoonsato Somaliland dal madax-bannaan. Warbixintu waxa kaloo ay intaas raacisay in Wasiirka Ganacsiga Kenya Peter Munya, uu isaguna taageeray aqoonsi raadinta Somaliland xilligii uu ahaa Badhasaabka Gobolka Meru. Mr. Odinga wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare ee qaarada Afrika ka soo jeeda oo xukuumadaha dalalkooda u soo jeediyey inay aqoonsadaan Somaliland oo uu ku dooday inay waxtari doonto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker