Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL Oo Qaabilay Madaxa Qaaradda Africa Ee Mu’asasadda Boqorka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Ee JSL Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaamiyo Madaxa Qaaradda Africa Ee Mu’asasadda Boqorka Sucuudiga Ee Boqor Salmaan (king salman foundation).

Wasiir Cali Hassan Maxamed Iyo Madaxa Qaaradda Africa Ee Mu’asasadda Boqorka Sucuudiga Ee Yusuf Bin Raxma Al-Buluushi, Ayaa Si Weyn Uga Wadda Hadlay kulankan Siddii Ay Mu’asasadda Boqorka Sucuudiga Ee Xafiiska Qaaradda Afrika Ay JSL Uga Taageeri lahayd Mashaariicda Dhanka Biyaha Ee Ay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu Ka Waddo Dalka guddihiisa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL Md Cali Xasan Maxamed Iyo Madaxa Mu’asasadda Boqorka Sucuudiga Ee Boqor Salmaan (king salman foundation) Mr Yusuf Bin Raxma Al-Buluushi, Ayaa Si Wanaagsan Isku La afgartay Dhammaan taageerista mashaariicda Biyaha Ee JSL Ay Ka Waddo Wasaaraddiisu.

Isagoo Wasiir Cali-Mareexaan Uga Mahadceliyey Madaxa Xafiiska Qaaradda Afrika Xafiiska Boqorka Sucuudiga Ee Horumarinta Iyo Wax Ka Qabashadda Baahiyaha aasaasiga Ee Arrimaha Bulshadda Mr Yusuf Bin Raxma Al-Buluushi, Isagoo Geestiisa Sheegay Inuu Diyaar U Yahay taageerista mashaariicda Biyaha Ee Ay Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL U Soo Bandhigtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker