Ciidamada Mareykanka Oo Isaga Baxay Soomaaliya

Taliska militariga Maraykanka Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray howlaha ciidamada mareykanka ee ka bixitaanka Soomaaliya .

Gaashaanle Sare Christopher Karns Afhayeenka AFRICOM oo wareeysi siiyay VOA-da ayaa u sheegay in howlaha kabixitaanka la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha doorashada looga adkay Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-kii Bishaan .
Gaashaanle Sare Christopher Karns afhayeenka ciidamada AFRICOM ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weli ciidamada badan oo Mareykan ah ay ku hareen gudaha Soomaaliya .

Afhayeen karns ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo halka la geeyay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya laga saaray sababa dhinaca Amaanka ah .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker