Japan oo amartay in dadka la daadgureeyo ka dib digniinta Tsunamiga

Japan ayaa ku boorisay dadka deggan gobaha dhulgariirka kudhuftay inay “si degdeg ah uga guuraan” goobahaas ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.6 uu ku dhuftay gobolka dhexe.

Digniin weyn oo tsunami ah ayaa laga soo saaray aagga xeebta ee Noto ee Ishikawa, iyadoo laga digayo hirarka gaarayo 5m.

Maamulka ayaa sidoo kale soo saaray digniino tsunami ah oo ku wajahan ismaamulada dariska ah ee Niigata iyo Toyama, halkaasi oo ay sheegeen in mawjadaha ay gaari karaan ilaa 3m.

Telefiishanka dadwaynaha ayaa far waaweyn ku qoray “kabaxa goobta”, isaga oo dadka ku booriyay in ay u cararaan dhulka sare in kasta oo qabow jiro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker