Xinif Oo Digniin U Diray Dadka Musuq Maasuqa Ku Dhaliila Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo

Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif ayaa digniin u diray dadka dhaliila madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Gudoomiye Cabdikariin Xinif oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inaanu wax musuq maasuq ah samayn madaxweynihii hore, isaga oo ku hanjabay haddii la sii wado wado dhaliilaha loo jeedinayo uu isaguna soo bandhigi doono xubno kale oo musuq gaystay.

 

Fariinta gudoomiye Cabdikariin Xinif ayaa u dhignayd sidan “Waar hoy raggan waaweynow ciddii kale ee aad eryanaysaan ama wax ka sheegaysaan waa yeelkiin, Laakiin SIILAANYO iskaga hadha, haddii kale wallaahi nin walba kitaabkiisa ayaan anigu soo faqayaa oo dabagelayaa. Odayga halla nabad geliyo ciddii kale ee aad daba gelaysaan idinkala hadli maayo.

Waar siilaanyo waxba muu musuqmaasuqin, kuwa siilaanyo ka hadlayow nin walowba waxaad qaadday iyo waxaad cid u qaraabo kiishayba waa laguu hayaa iyadoo qoran.

Hadalkayga kuwii eegan jirey siday doonaan ha u dhigaan, Hadda wixii ka danbeeya rag waaweyn ayaan juuq dhawrayaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker