Somalida Kenya oo ka Cabanaysa in Deegaankooda lagu Yareeyay Dakhliga Dawladda

Aqalka sare ee dalka Kenya  waxaa ka taagan dood la isku mari la’yahay oo ah in dakhliga deegaanada dalka lagu jaangooyo tirada bulshada ee ku nool deegaan walba.

Qeybisga dakhliga ayaa hadda waxyaabaha lagu saleeyo waxaa kamid ah baaxadda dhuleed ee deegaan walba, taas oo deegaanada gobolka waqooyi bari u sahashay inay helaan dhaqaale wanaagsan.

Hase-yeeshee guddiga qaabilsan qeybsiga kheyraadka ee Kenya ayaa aqalka sare usoo jeediyay in wax ka badel lagu sameeyo xeerkaas oo qeybisga kheyraadka lagu saleeyo tirada bulshada ee aanan lagu darin baaxadda dhuleed.

“Annaga markii hore waxaan dooneynay in la kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyo maamul goboleedyada, balse dhibaatooyin kale ayaa yimid oo arrintaas waa ay socon weyday, haddana waxaaba la doonayaa in la dhimo wixii ay markii hore heli jireen,

 

Qorshahan cusub ee la doonayo in la melmariyo waxay hoseedi doontaa in lacag dhan 50 milyan oo doollar laga jaro deegaanada NFD,”ayuu yidhi Ibraahim Cali oo ah senetarka laga soo doorto Wajeer .

Wuxuu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in qeybsiga kheyraadka lagu daro baaxadda dhulka.

Waxaa kale oo uu sheegay inay soo jeediyeen qaab cusub oo lagu yareynayo waxyeelada ka dhalan karta tallaabooyinkan cusub.

“Waxaan soo jeedinay in la isu dheeli tiro, annaguna wax naga la jaro, deegaanada qaar ee lacagaha badan helana wax laga jaro, waxaana lagu heshiisyay in la isaga yimaado arrintan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka aqalka sare ku matela Wajeer

Arrintan ayaa haddii la meelmariyo waxay horseedi doontaa in deegaano u badan kuwa xoola dhaqatada ay lumiyaan dhaqaale ay markii hore heli jireen.

Qorshahan ay soo jeediyeen guddiga qeybsiga kheyraadka ayaa la kulmay diidma adag oo ay muujiyeen qaar kamid ah xildhibanaada aqalka sare.

Ugu yaraan 21 xildhibaan oo katirsan aqalka sare ee Kenya, kana soo jeeda deegaanada oomanaha ayaa kasoo horjeestay qorshahan. Waxay sababta ku sheegeen in tallaabadan ay sii gacan bidixeyneyso deegaano markii hore horumarkooda liitay.

Sidoo kale 10 gubanatoore oo kaoso jeedaa deegaanadaas ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah arrinkan, iyagoona doonaya inay hor-istaagaan habkan cusub ee la doonayo in lagu jaangooyo qeybsiga kheyraadka.

Waxay sheegeen in nidaamkan cusub uu dhaawici doonaa dhaqaalahooda.

Maamulada arrintan ay saameyn doonta ayaa waxaa kamid ah Garissa, Wajeer, Marsabit, Isiolo, Samburu, Turkana, Tana River, West Pokot, Lamu iyo Mandera, kuwaas oo lumin doonaa lacag dhan 160 milyan oo doollar.

Deegaanada gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa dhawana dacwad ka dhan tirakoobkii laga sameeyay Kenya u gudbiyay maxkamadda sare, iyagoona dalbanaya in tirakoobkaas dib loogu laabto oo uusan sax ahayn.

Waxaa horay ay qeylo uga taagneyd dhaqaalaha la siiyo deegnaaadii la isku oran jiray NFD.

Ma cadda waxa ay ku dambeyn doonta arrintan, haseyeeshee siyaasiyiinta laga soo doorta halkaas waxay ku doodayaan in ay horseedi doontaa horumar la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker