Xukuumada Somaliland oo ka Hadashay Kulanka Madaxda Somalia iyo Safiirka Shiinaha ee Muqdisho

Hargeysa (OWN) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay inaysan marnaba Somaliland saameyn ku yeelan doonin kulamada ka dhanka ah ee ay ku howlan tahay dowladda federaalku.

Wasiir Faratoon ayaa carabka ku adkeeyay in Xidhiidhka cusub ee Somaliland la yeelatay Taiwand uusan waxba ka badaleyn kulankaasi ka dhacay Muqdisho, oo si gaara diirada loogu saarayey Xidhiidhka iyo heshiiskaasi cusub.

“Waa wax aan fili karno, labadooda taas ayey ka wada duulayaan, laakiin annaga Nama  khuseeyo, waxey iyagu ku heshiiyeen iyo waxey ka wada hadleenba lama socono mana ahan wax aan ku raacsanahay oo iyaga ayey danahooda tahay, anaga iyo Taiwan waxaa naga dhaxeeya dano kale,” ayuu yidhi Wasiir Yaasiin Maxamed Faratoon oo la hadlayay Warbaahinta Qaar.

 

 

Faratoon ayaa sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dano isku mid ah kala dhaxeeyan, isla markaana ay khuseyn oo waxba yeelayn kulamada dowladda federaalka iyo Shiinaha ee la xiriira heshiiiska cusub ee dhawaan ay kala saxiixdeen.

Heshiiska cusub ee ay dhawaan kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland ayaa abuuray xiisad cusub, maadama ay labada dhinac kala sheeganayaan inay qeyb ka yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa la fahamsan yahay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya (Qin Jian) iyo madaxweyne Farmaajo ay labaduba ka mideysan iney xad gudub tahay xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara labada maamul.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker