Imaaraatka oo sheegay inay iskuullada ku dhigi doonaan xasuuqii Holocaust

Imaaraatka Carabta ayaa billaabi doona in barashada xasuuqii Holocaust lagu dhigo fasallada taariikhda ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Imaaraatka ee Maraykanka.

Safaaradda ma bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan manhajka iyo habka Imaaraatka Carabta u wajihi doono arrintan. Dowladda Imaaraadka oo jawaab laga codsadayna weli ma bixin.

Si kastaba, go’aankan ayaa imanaya kadib markii Imaaraatka uu xiriir diblomaasi oo rasmia ah la yeeshay Israa’iil sanadkii 2020-ka, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis uu garwadeen ka ahaa maamulka madaxweyne Donald Trump.

“Kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee AbrahamAccords, dowladda Imaaraadka waxay ku dari doontaa Holocaust manhajka dugsiyada hoose, dhexe iyo sare,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay twitter. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Morocco iyo Bahrain oo aqoonsaday Israel.

Danjire Deborah E. Lipstadt, oo ah ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan la-socodka iyo la-dagaalanka Yahuud naceybka, ayaa ammaantay tallaabada Imaaraatka Carabta.

“Barashada Holocaust muhiim ayey u tahay bani’aadannimada, islamarkaana dalal badan ayaa muddo fog sii wada inay hoos u dhigaan sababo siyaasadeed dartood,” ayey tiri Lipstadt. “Waxaan ku amaanayaa Imaaraatka Carabta tallaabadan, waxaana ka rajeynayaa kuwa kale inay ku daydaan.”

Xusuuqii Holocaust ayaa Naazigii Germany wuxuu si aan kala sooc laheyn ugu xasuuqay 6 milyan oo Yahuudda Yurub ah intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Israel, oo la aasaasay 1948-kii si ay badbaado ugu helaan Yahuudda kadib xasuuqii Holocaust ayaa muwaadinnimo toos ah siisa qof kasta oo asalkiisu yahay Yahuud.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker