Maraykanka Oo Duqaeeyey Taalibaan Heshiiskii Nabada Kadib

Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa Duqeymo dhanka Cirka ah ka geystay gudaha Afghanistan, sida uu Xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Shalay oo Arbacada Ahayd.

 

 

Duqeynta ayaa timid maalin kadib markii madaxweyne Donald Trump uu Khadka taleefanka kula hadlay hogaamiyaha Taalibaan.

 

 

Duqeynta Mareykanka oo la sheegay in ay dhacday 4-tii bishii Maarso oo ku beegneyd talaadadii shalay ayaa ka dhacday degmada Nahr-e Saraj oo dhacda gobolka Helmand.

 

Afhayeenka milatariga Mareykanka korneyl Sonny Leggett ayaa ku Tilmaamay duqeyntan mid is difaacid ah, waa sida uu hadalka u Dhigay.

 

Weerarka Mareykanka ayaa imaamaya 11 maalin kadib markii Dowlada Mareykanka iyo Ururka Taalibaan ay gaadheen heshiis Nabadeed oo lagu soo afmeerayo dagaalka 19-kii sano ka socday wadanka Afghanistan.

 

 

Diyaaradaha Mareykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay dhowr degmo oo ku yaal gobolada Waqooyi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker