Amarkii Dawlada Federaalka Somalia oo Shaqayn Wayday,, Ka Dib Markii Diyaarada Fly Dubai kasoo Degtay Hargaysa

Hargeysa (OWN) ―  Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa maanta ka soo degtay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, xili ay Dowladda federaalku ay sheegtay inay duulimaadyada caalamiga ah la joojiyey.

 

 

Fly Dubai oo dhowaan ay Dowladda federaalku ka celisay hawada Somaliland, ayaa maanta ka soo degtay madaarka Hargeysa, iyada oo aan wax digniin ah ama fariin ahba ka helin Maamulka hawada.

 

 

Sida ay Oowaynemedia Ogaatay diyaarada Fly Dubai ayaa saaka soo cago dhigatay Madaarka Cigaal, iyada oo sidey Alaab xamuul ah iyo mucaawino daawooyin ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya kuwa lagula tacaalo fayruska Corona.

 

 

Inkasta oo dowladda federaalku ay sheegtay in dalka aysan ka mamnuucin gar-gaarka deg-deg ah iyo mucaawinooyinka lagula tacaalayo Coronaha, ayaa haddana waxay ku soo aadeysa xili uu madaarka Hargeysa furan yahay oo ay diyaarada Ethiopian Airlines duulimaadyadeedii caadiga ah ku tagto.

Lamana oga in Shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai ay gogol xaadh ka dhiganeyso in si toos ah u bilowdo duulimaadyadeeda Hargeysa, kadib mucaawinada maanta u suurta-galisay inay soo cago dhigato madaarkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker