Xarunta wasaaradda awqaafta ee Masar oo uu dab ka kacay

Subaxnimadii saaka ayaa waxaa dab xooggan uu ka kacay dhismaha Wasaaradda Awqaafta ee ku taalla bartamaha magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana kooxaha dab-demiska oo uu kormeerayo guddoomiyaha magaalada Qaahira billaabay dadaallo lagu xakameynayo dabka.

Ciidamada Ilaalada Madaniga ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan, iyadoo aysan jirin dhimasho iyo dhaawac, waxaana hadda socda howlo qaboojin ah.

Guddoomiyaha Qaahira ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi injineero ah oo baara dhismaha, isla markaana go’aamiya inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabka.

Xeer ilaalinta iyo dambi baarista ayaa loo yeeray si ay ugu kuur galaan goobta uu dabku ka kacay, gaar ahaana waxa goobta laga saaray dhamaan shaqaalihii ka shaqaynayey, kadib markii ay wasaaradu todobaadyo ka hor u rartay xarunta cusub ee maamulka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker