lamaanihii arooskii Ciraaq oo kamid noqday dadkii ku dhintay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda

Lamaanihii arooskii ka dhacayay Ciraaq ayaa kamid noqday dadkii naftooda ku waayay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda, sida uu sheegay Ahmed Dubardani, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka dalkaas.

Mar uu wariyaasha la hadlayay, ayaa waxaa uu intaa ku daray, in ugu yaraan konton qof ay xaaladooda caafimaad aad u liidato.

Dadka uu soo gaaray dhaawaca ayaa badankood waxay ahaayeen haween iyo dhalinyaro.Dabkaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay, in boqolaal qof ay halkaas ku damaashaadayeen markii uu dabku qabsaday abbaare 10:45 waqtiga maxalliga ah .

Gaadiidka gurmadka degdegf iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa waxaa goobta u diray mas’uuliyiinta Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay dabkan, balse warar hore ayaa sheegaya in dabku uu kacay kadib markii la shiday rashka oo waxyaabo marka dabaaldagyada la sameynayo la rido oo sida rasaasta oo kale u qarxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker