Taliyihii Xabsiga Degmada Gar-Adag Iyo Ku-Xigeenkiisii Oo Shalay Jidgooyo Lagu Dilay Iyo Madaxweynaha Oo Amar Ku Bixiyay In La Soo Qabto Dablaydii Falkaas Gaysatay

Hargeysa(OWN )-Taliyahii xabsiga degmada Gar-adag Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag, ayaa waxa shalay gelinkii dambe dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto dablayda falka gaysatay. Waxaanu warsafaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

  1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
  2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta (shalay galab) dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker