Dood ka dhalatay Joe Biden oo goor dambe ogaaday in mid ka mid ah wasiirradiisa ugu muhiimsan isbitaal la dhigay

Caabuq ayaa sababay in Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka.

Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada.

Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka sarreeya madaxweynaha marka la eego dhanka taliska milatariga Mareykanka, wuxuuna ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan golaha madaxweynaha. In aan arrintan la ogeysiin Aqalka Cad ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka qaranka ah iyo inay hubinti la’aan ka dhex jirto maamulka Biden.

Aqalka Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in Mr Austin uu isbitaalka ku jiray ilaa shalay oo Talaado ahayd. Afhayeenkiisa faahfaahin kama uusna bixin xilliga laga soo bixin doono isbitaalka.

Shir jaraa’id oo shalay la qabtay, ayaa Aqalka Cad waxaa la weydiiyay su’aalo dhowr ahaa oo uga yimid weriyeyaasha kuna saabsan sida loo maareeyay xaaladda wasiir Austin.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka dalkaas John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden shalay uun lagu wargeliyay xaaladda iyo xanuunka la soo dersay wasiirka.

Mr Biden iyo Austin ma aysan wada hadlin kadib makrii isugu war dambeysay oo ahayd Sabtidii, sida uu sheegay Kirby.

Dhanka kale, shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Pentagon-ka ayuusan xoghayaha warfaafinta ee Ciidamada Cirka Maj Gen Pat Ryder wax sharraxaad ah ka bixin sababta uu Mr Austin mar hore uga hadlin xaaladdiisa.

Wuxuu sheegay in xaaladda kansarka borostaatada ay tahay mid shakhsiyadeed.

Aqalka Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay arrintan u dhacday ay tahay in xubin sare oo ka tirsan xafiiska Austin uu hayay hargab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker