Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland: Wakhtigii La Bilaabay, Xulalkii Koobabka Ku kala Guuleystay iyo Magaalooyinkii Marti geliyey

Sannadkii 2002-dii, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland laga qabtay tartankii u horreeyey ee Ciyaaraha Gobollada Somaliland, wakhtigaas oo imika laga joog 18 sannadood.

Tartanka oo ah ka ugu xiisaha badan ee dalka laga qabto, ayaa saddexdii sanno ee u horreeyey si xidhiidh ah loo qabtay, sannaddahaas oo kala ahaa 2002, 2003, 2004.

Ciyaarahan gobollada, ayaa wixii ka horreeyey 2011-kii, waxa ka qayb geli jiray Lixda Gobol ee waaweyn.

Tartankan, waxa uu ahaa mid xiiso gaar ah leh oo ay ka soo qayb geli jireen taageerayaal badan oo caasimadda iyo Gobollada ka kala iman jiray, kuwaas oo Gobollada si xamaasad leh u kala taageeri jiray gobollada, madaama aanay jirin warbaahinta muuqaalka ah iyo Baraha bulshadu, taageerayaashu xilli hore ayey iska xaadirin jireen Staduim intii ka horeysay 2011-kii.

Toddoba jeer ayaa tartan Gobollada  la qabtay Caasimadda Hargeysa, ayaa shan ka mid ah  marti gelisay, halka Burco iyo Boorama mid hal mar uu marti geliyey.

Haddii aynu eegno, sidii loogu kala guuleystay Koobka gobollada Somaliland;

1-Koobkii u horreeyey 2002-kii, waxa ku guuleystay Maroodi-Jeex (Hargeysa), waxaanay ka qaadeen Gobolka Togdheer, oo ay isugu yimaadeen ciyaartii Finalka.

2- Koobkii labaad 2003-dii, waxa ku guuleystay Togdheer, oo ka qaaday Gobolka Sanaag oo uu wakhtigaas hormuud u ahaa ciyaaryahankii caan baxday Sannadkaasi ee Siciid Westi

3- Koobkii Saddexaad, ee 2004-tii, waxa ku guuleystay Xulkii Sanaag, oo Finalka ay isu yimaadeen Togdheer, kana aarsadeen madaama sannadkii ka horreeyey 2003-dii ay ka qaadeen Koobka wiilashii Tarabuunku u kici jireen ee ay Hoggaaminayeen Yaasiin Olol Fuad FreeGaza Mohamed

4- Koobkii Afraad ee 2007-dii, Togdheer oo calankeedu taagnaa wakhtigaas, ayaa ku guuleysatay, iyaga oo ka qaaday gobolka Awdal oo ay Finalkii isugu yimaadeen, waxaanu sannadkaasi u ahaa markii saddexaad ee xidhiidh ah ay Final yimaadaan, marna laga qaaday laba jeerna ay ku guuleysteen.

2007-dii illaa 2011-kii wax tartan ah laga qaban, waana xilli waddanku ku jiray khilaafaad siyaasi ahaa iyo hawlo doorasho iyo qaraxyadii Ismiidaamin ahaa ee Hargeysa ka dhacay 2008.

5-Koobkii shanaad 2011-kii, waxa ku guuleystay Maroodijeex, oo ka qaaday xulka Hawd, sannadkan waxa uu ahaa sannadkii Gobollada aan ahayn lixdii hore ee waaweynaa ku soo biireen tartanka.

6- Koobkii lixaad 2013, waxa mar kale hantay Maroodi jeex oo calankiisu tagnaa sannadahaas oo ay hoggaaminayaan Wiilashii Weerarkooda, dhexdooda iyo Difaacoodu laga yaabay Maxamuud Cabdi Xasan, Mohamed Gabyaaye Ahmed Xuudjano Cabdi Karim Guji Xayd, iyaga oo mar kale dirqi kaga qaaday Xulkii Kubad wanaagga lagu ammaanay ee ay ka mid ahaayeen Jamaal Jante, Haybe Goud Abdirahman Ilkacase

7- Koobkii Toddobaad, ee 2015-2016, waxa ku guuleystay awdal oo ka qaaday Saaxil

 

Waxa qoray: Saleban Xaashi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker