Laba Carruur Oo ku Geeriyootay Ceel biyood ku yaala Magaalada Laascaanood

Laba Carruur oo walaalo ah ayaa geeriyootay kadib markii ay ku dhaceen meel Biyo ku jiraan oo lagu dabaasho , taas oo ku taalla magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

 

Halka ay ku dabaalanayeen caruurta ayaa markii hore ku dhacay mid kamid ah Carruurta, balse kan kale oo doonayay in uu samata bixiyo walaalkiis uu isagana ku dhacay, isla markaana Labadaba ay halkaasi ku geeriyoodeen.

 

Labada Carruurta ah ayaa da’dooda ay waxa ay kala aheyd 9 jir iyo 10 Sano waxaana meydadkooda Laga soo saaray goobtii ay Biyaha ku jireen.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay waqti dambe ahayd xilliga ay dhacdadan la kulmayeen Carruurtan yar yar walaalaha ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker