Marxuum Eng. Yariisow Oo Aas-Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker