Dawlada Israel Oo Cabsi ay ka Qabto Al-shabaab awgeed ka Mamnuucaday Ardaydeeda Inay Tagaan Itoobiya

Israel ayaa ka mamnuucday Ergooyinka Ardaydooda inay Booqdaan dalka Ethiopia, kadib, digniino dhanka Amniga ah oo lagu sheegay cabsi suurto-gal ah inay Alshabaab Weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.

 

Warbaahinta Israel waxay sheegtay inay Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel soo kala saareen Qoraalo ay ku Xuseen inay Go’aansadeen inaan wax Ergo Arday ah loo dirin dalka Ethiopia.

 

 

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii la hakiyey dhamaan Duulimaadyadda Shirkadaha Diyaaradaha Israel u Qorsheysnaa inay Sannadkan ku tagaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

 

Hay’adda Israel ugu Qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisadda waxay dhawaan sheegtay inay jiraan cabsiyo suurtogal ah oo lagu waxyeeleyn karo Muwaadiniinta Israel ee ku nool Xuduudka Bariga Ethiopia ee Gobalka Soomaalida.

 

Waxay kaloo ka digeen in laga yaabo inay Weeraradaasi ku sii faafaan gudaha dalka Ethiopia.

Dowladda Israel waxay sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Ethiopia ku guul-daraysteen digniino dhanka Ammaanka  ah oo ay u gudbiyeen, iyadoo bishii April ee sannadkii hore ay dhowr weerar ka dhaceen dalkaasi.

Xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo Ethiopia ayaa ahaa mid aad u Deganaa tan iyo markii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed booqashada ku tegay Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker