Xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi Oo Ka Dhacday Magaalada Hargeysa.

Xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa si rasmi ah uga bilaabantay  Huteel Guleed ee Magaalada Hargeysa.

Xafladda lagaga dhawaaqayo Urur siyaasaddeedka Waaberi oo uu aasaase ka yahay Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, oo isagu xilkaas iska casilay shalay.

Boqolaal qof oo isugu jira madax dhaqameed, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Xildhibaanno ka tirdan Golaha Wakiillada iyo Guurtada, Haween, dhalinyarro, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo dadweyne kale.
Sidoo kale xafladdo kale oo lagu shaacinayo Urur-siyaasaddeedkan cusub ee Waaberi, ayaa lagu qabanayaa isla maanta Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker