Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Qoraal Kaga Hadlay Safarka Madaxweynaha JSL

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Mareykanka, isaga oo xusay in aanay jirin cid Xisbiga Waddani taageerayaal u ah oo ku meteli karta Mudaharaadka Madaxweynaha iyo weftigiisa lagu sameeyo, waxaanu yidhi.
“Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.
Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker