Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Udiray Raysal-wasaaraha Cusub Ee Waddanka Pakistan Imran Khan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Pakistaan, islamarkaana ay u shaqeyn doonaan si wadajir ah.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Pakistani Imran Khan guushiisa maanta,Pakistan waa dal dimoqraadi ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Imran Khan ayaa hogaamin jiray kooxda Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxaanu 1996 ku biiray siyaaasadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker