Duruufo Adag oo dhanka Nolosha oo la Darisa Dayarta Darbijiifta Somaliland

Qaar ka mida ubadka darbijiifta ah ee ku nool gudaha magaalada Hargeysa ayaa saaxiib la ah islamarkaana wehel ka dhigta xayawaanka daanyeerka.

Masuuliyiinta xukuumadda iyo hay’addaha ay khuseyso ayaa inta badan ku hal qabsada inay taageero u fidiyaan ubadkani darbijiifta ah ee la dariska ah noloshan xanuunka badan.

Hase ahaate gargaarka ay u fidiyaan hay’addaha iyo laamaha ku shaqada leh xanaaneynta ubadkani ayaa ah mid aanay waxba kaga qaban kumanay guuleysan xukuumadda taladda dalka heysa wax ka qabashada xaalada ubadkani.
Waxaana warbixinta soo qabtay wariye Cabdilqaadir Habane.

Mid ka mida wiilshan yar yar ee darbijiifta ah oo dadiisu u dhaxeyso 7-9 ayaa ka waramay xaaladan xanuunka badan ee ay la nool yihiin waxaanu yidhi “Meel ayaanu wada seexaana kuna wada jirnaa kuna wada ciyaarnaa, waanu soo wada maydhanaa, jidhka oo dhan, hase ahaate isagu ma yaqaano dabaasha, markaa anaga dantu waxaa ay nagu kaliftay inaanu darbiifkaa ahaano”

Ku kale oo ka mida wiilashaasi ayaa ku tiraabay “Dibada ayaanu seexaana xabagta ayaanu cabnaa Illaaheybaa risiqa na siiyaa, wax kasta waanu iska cunaa”
“Magacaygu waa Cabdirashiid, waxanu nahay ubadka darbijiifka ah ee magaalada Hargeysa, in wax naloo qabto ayaanu doonaynaa dadku wax weynoo qaban karayaan sidaasi ayaanu halkan u joognaa”Ayuu yidhi Cabdirashiid oo ka mida wiilashaasi yar yar ee darbijiifta ah ee ku sugan xaaladan adag ee noocani ah.

 

Halkan Ka Daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker