Madaxweyne Farmaajo Oo Dalab U Diray Maamulka Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la Xidhiidhay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaadhsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

 

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xidhay khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker