Haweeneyda Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Oo Isku Sharaxaysa Madaxweyne.

Haweeneyda ugu Taajirsan Qaarada Afrika oo lagu magacaabo Isabel dos Santos, ayaa Shaacisay in ay Dooneyso inay  Madaxweyne ka noqoto dalka ay kasoo jeedo ee Angola, waxayna Haweeneydan inta badan nolosheeda kusoo dhex nooleyd Madaxtooyada Angola.

 

 

Isabel dos Santos, oo 46-sano jir ah oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos,  Ayaa Ka Mida Haweenka Dunida uga Taajirsan.

Wargeyska Arimaha dhaqaalaha Ka Faalooda ee Forbes ayaa Haweeneydan ku tilmaamay in ay tahay Gabadha ugu hantida badan Qaarada Afrika, waxaana Hantideeda  gabadhan lagu Qiyaasay 2.2 bilyan oo doolar. sida uu Sheegay Wargayska Forbes.

 

 

Haweeneydan Bilyaneerka ah ayaa sheegtay in ay aad u dooneyso inay  Dalkeeda Hogaamiso kana noqoto Madaxweyne , Waxayna intaa raacisay in ay tahay qof Wadani ah, waxbadanna ay ka qaban karto dalkeeda haddii ay madaxweyne noqoto.

 

 

Waxa ay sheegtay Isabel Dos Santos in ay doneyso in ay sameyso wax walbo oo karaankeeda ah si ay dalkeeda u hogaamiso uguna horseedo horumar, iyadoona rajo ka muujisay in ay guuleesan karto hadii ay tartanto.

 

 

Haweeneydan oo caan ku aheyd dhanka Ganacsiga ayaa dhawaan waxaa lasoo darsay fadeexad kadib markii lagu eedeeyay in ay sameeysay musuq maasuq ayna isdaba marisay lacag aad u badan.

 

Xafiiska dacwad Soo Ooga ee  Angola ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan lacag dhan hal bilyan oo doolar oo ay shegeen in ay Doonayaan inay kala soo wareegaan Isabel, lacagtaas oo Dowladda Angola sheegtay in laga dhacay Dowladda.

Isabel Dos Santos oo horey Aabaheed ugu magacaabay shirkadda shidaalka ee Angola, ayaa iska beenisay eedeemaha musuq maasuq ee loo soo jeediyay, waxa ayna sheegtay in eedeemahaasi yihiin kuwa siyaasad ay ka dambeyso oo sumcadeeda lagu dhaawacayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker