Xanuunka Caronavirus iyo Sixir Bararka Suuqa Kala Iibsiga Cayaartooyda

Caabuqa dunida sida ba’an ugu faafay ee Coronavirus ayaa xilli ciyaareedkan 2019-20 iyo habsani u socodkiisii hawada ku laalay iyadoo gabi ahaanba inta badan kubadda cagta la hakiyay balse shaqo kale oo badan ayaa ka socota kaamaradaha dabadooda.

 

 

Barcelona oo ay Suurogal tahay inaysan xilli ciyaareedkan markale ciyaarin haddii xilli ciyaareedka la kansalo ayaa haatanba sii dejinaysa qorshe ciyaareedka ay ku gelayso 2020-21.

 

 

Waaxda agaasinka ciyaaraha ee kooxdaas oo shaqadoodii qorsheynta xilli horeba qabsaday ayaa mudada xayiraada Coronavirus lagu jiro haatan heli doona wakhti badan oo ay go’aano ku qaataan iyagoo wax ka baranaya qaladaadkoodii hore qiimayna ku samaynaya halka uu ka liito safka Barca.

 

 

Xilli ciyaareedka dambe ayaa noqon doona midkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Josep Maria Bartomeu oo doonaya inuu taariikh reebo walow aan suuqa xagaaga lacago xad dhaaf ah lagu bixin doonin maadaama oo ay Barca doonayso inay madaxweynenimadiisa sida ugu fiican usoo af-meerto.

 

 

 

Waxkasta ayaa tilmaamaya in Barca ay lasoo saxeexan doonto laba ama saddex ciyaartoy oo si toos ah usoo gala shaxda kooxda tusaale ahaan weeraryahano yimaada oo kala duwanaansho sameeya iyadoo Lautaro Martinez iyo Neymar JR ay yihiin muhiimada koowaad.

 

 

Suuqa ayaa haatan ah mid sixir barar uu ka jiro marka ay noqoto weeraryahanada waana mid Barcelona go’aankeeda ugu adag ka dhigi doona inay kala doortaan lasoo saxeexashada Lautaro Martinez iyo soo celinya Neymar JR.

 

 

Kala doorashada labadan xiddig ayaa noqon doonta wax aad u adag, Neymar ayaa ka caawin doona Barca inay koobab u tartanto halka uu Lautaro mudo 10 sano ah noqon karo bedelka Luis Suarez.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker