Madaxweynaha Namibia Hage Geingob oo goordhow ku geeriyooday isbitaal ku yaala caasimadda Windhoek

Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay.

Geeridiisa waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Kuxigeenka wadankaasi Nangolo Mbumba, wuxuu sheegay in marka Madaxweynuhu naftu ka baxaysay ay hareera joogeen xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Madaxweyne Geingob oo ah 82 jir ruug caddaa siyaasadeed, ayaa ka dhex muuqday siyaasadda Nambia tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay 1990, waxana muddaba laga daweynayay cudurka Kansarka, gaar ahaan kan ku dhaca qanjirka borostaatada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker