Dawladda Ethiopia Oo Dalkeeda U furtay Muwaadiniinta wadamada Qaaradda Africa, Qaadayna…

Addis-ababa-(OWN)-Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali ayaa ka dhabeeyey mid kamid ah balan-qaadyadii uu sheegay markii uu xilka la wareegay oo ku aadan in ay Itoobiya soo jiidato maalgashi iyo isku socodka ganacsiga oo la fududeeyo, waxaana si rasmi ah daaha looga rogay in wixii ka dambeeya 9ka bishan November, dhamaan muwaadiniinta u dhalatay wadamada Africa aysan u baahneyn VISA ama dal kugal ay kusoo galaan dalkas, oo ay ka qaadan karaan Madaaradda Diyaaradaha iyo goobaha xaduudaha ah.

Talaabadaas ayaa la bogaadiyey, Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday subaxnimada Jimcaha , waxayna sheegtay in ay tahay talaabo horey loo qaaday.

Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Hoggaanka Socdaalka ee dalka Itoobiya ayaa cadeeyey in aysan sidan uga gol leeyihiin sidii sare loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo isku socodka guud, talaabadan oo ay sheegeen in ay tahay mid mudo dheer la sugayey.

Itoobiya waxay doonaysaa in ay faa’iido badan ka hesho kumanaan dadka ah ee soo booqanaya, waxaana dalkaas aad loogu garan og yahay Suuqyada ganacsiga oo ay Malaayiin qof ku nool yihiin, waana meelaha ugu badan ee ay wadamadu ku tartamayaan.

Talaabada cusub waxay soo jeedin doontaa dad badan oo arrimo kala duwan u tagaya Itoobiya, waxaana furfurnaanta lagaliyey arrimaha socdaalka ay ka dhigan tahay talabo kale oo ay Itoobiyadii xirxirneyd isku furfurtay, waxaana durba soo dhaweeyey dad cusub.

Soomaalida ayay faa’iido weyn ugu fadhidaa, maadaama horey dhibka ugu badan ugala kulmi jireen in ay helaan dal kugalka wadanka ay deriska yihiin oo ay u aadi jireen Arrimaha dhoofka, Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxaana maanta duulimaadkii ugu horeeyey 40 sanno ka dib Muqdisho ku tagaysa shirkada Itoobiya Airlines.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker