Dawladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Ciidamo Hor Leh U Dirayso Dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka Amisom ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda David Muhoozi, oo ciidamadan la dardaarmayay ayaa sheegay in Al-shabaab lala dagaallami karo lagana adkaan karo, haddii Ciidamada ay u dhaqmaan sida loo tababaray.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee ku biiraya Howlgalka Amisom ay qaateen tababar lix bilood ah oo ah sida loo dagaallamo, la isu difaaco, loona fuliyo howlgallada.

Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa ka tirsan qeybta 26aad ee Ciidanka Difaaca Uganda kuwaas oo xaruntoodu tahay degmada Nakaseke ee dalka Uganda.

David Muhoozi, ayaa ka codsaday Ciidanka in ay ku dhaqmaan akhlaaq wanaagga la baray,kana fogaadaan in ay sumcad xumo kala kulmaan Dadka Soomaalida ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker