Xildhibaan Mareykan ah oo xasaannaddiisii dib u helay

Mudanayaasha dowladda hoose ee magaalada Memphis ee gobolka Tennessee, ayaa Arbacada maanta ah cod ku ogolaaday, in heybaddiisii iyo xasaannadiisii dib loogu soo celiyo mudane dimoqraadi ah oo ay shaqada ka eryeen xildhibaanada golaha deegaanka ee gobolka todobaadki hore.

Justin Pearson ayaa isaga iyo mudane kale oo la yiraahdo Justin Jones labaduba xilka laga xayuubiyay kaddib cod bixin ay todobaadki hore qaadeen xildhibaanada heer gobol ee ay aqlabiyaddoodu yihiin Jamhuuri ee gobolka Tennessee ee dalkan Mareykanka.

Xildhibaanada ayaa loo ceyriyay sababo la xiriira mudaaharaad lagu diidanaa hubka aanan xakameysnen oo ay kula biireen dad u badnaa arday iyo macallimiin. Labada mudane ayaa kasoo jeeda bulshada madow ee Mareykanka.

Jones isaga Isniintii ayaa dib loo dhaariyay kaddib marki ay Golaha Deegaanka ee magaalada Nashville, cod kusoo celiyeen waliba si aqlabiyad leh, halka Arbacada maanta ah sidaasi oo kale uu Golaha Deegaanka ee Ismaamulka Shelby oo dimoqraadi ah ay soo celiyeen Pearson, kaddib kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen.

Mudaaharaadka ay ku biireen ayaa dhacay maalmo kaddib marki uu qof hubeysani weeraray iskuul ku yaalla Tennessee halkaas oo lagu dilay arday iyo dad ka shaqeynayay iskuulka.

Weerarada loo adeegsanayo hubka ee lagu qaadayo iskuullada ayaa aad ugu soo badanaya Mareykanka. Iyadoo sannadkaan oo kaliyah ay dhaceen tobnaan weerar oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah oo u badan arday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker