Dhammaan Basaska Dadweynaha Hargeysa Oo Sameeyay Shaqo Joojin + [ Sababta ]

Basaska ka hawla gala gudaha magaaladda hargaysa ayaa saaka joojiya shaqo joojin balaadhan marka laga reebo kuwa jigjiga yar oo iyagu aanu saamayn cabashadda ay qabaan basaska kale ee u baxa dhamaan degmooyinka hargaysa.

Basaskan ayaa waxa ay ka cabanayaa gadiidka yarayar ee tagaadisa kuwaas oo ay shegeen inaan loo samayn wax xad ah madaama oo gadiidka yaryari ay hadda la waregeen dhamaan shaqadoodii ay dadwaynaha u hayeen.

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadayaan shaqo joojinta ilaa wax laga qabanayo cabashadooda oo ay dhawr jeer u gudbiyeen dawladda hoose iyo xukuumaddaba oon ilaa hadda go’aamo ay raali ku noqdaan laga soo saarin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker