Waa maxay sababta ay Somaliland U Aqbashay Warqadda Soomaaliya

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbashay Warqadda Go Home oo ay joojisay muddo ku siman sanad ka hor sida uu ku warramay wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay soo celinta adeegsiga warqadda Go Home ee Soomaaliya loogu noqdo laakiin, waxa jira hoos u dhac laga dareemay madaarka Hargeysa oo ah kan kaliya ee Somaliland ka shaqeeya.

Waxa la sheegay in shirkado dhawr ah oo diyaaradeed joojiyeen duullimaadyadii ay samayn jireen sidoo kalena ay hoos u dhac weyn ku keentay cid kasta oo ku lug leh adeegyada madaarka iyo macaamiishiisa.

Dadka doonaya in ay tagaan Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah ayaa baabuur u raaci jiray magaalada Garoowe si ay halkaasi diyaarad uga raacaan taas oo la wareegtay camirnaantii Madaarka Hargeysa waxaana la rumaysan yahay in taasi kalliftay ogolaanshaha warqadda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker