Sida uu ninkan u dilay xaaskiisa kadibna meydkeeda suuli ugu dhex qariyay

Maxkamad ku taala magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xabsi daa’in ku xukumay nin la yiraahdo Shannawaz Amir, kadib markii uu dilay xaaskiisa, Sarah Inam, iyadoo sidoo kale lagu ganaaxay hal milyan oo lacagta dalkaas ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in lacagtaas lagu wareejiyo qoyska xaaska geeriyootay.

Ha yeeshee ninkan ayaa diiday inuu geystay dilka xaaskiisa Sarah. ‘Waan baxay, marki aan soo laabtayna, meydkeeda ayaan ku dhex arkay suuliga, waxaana laga yaabaa inuu qof kale dilay’, ayuu yiri.

Balse sida boolisku sheegeen, baaritaanka la sameeyay ayaa muujinaya in lammaanaha uu dhex maray muran, sidaas awgeedna uu ninka garaacay xaaskiisa ilaa ay ka geeriyootay, wuxuuna markii dambe meydkeeda ku dhex qariyay suuli.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker