Madaxweynaha JSL Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Geeriyooday Magaalada Jigiiga

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/10/2020 caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ruugcadaa waaya-araga oo ku xeel dheeraa arrimaha siyaasada, isla markaana door weyn ka soo qaatay Aasaaska iyo dhismii dalka Jamhuuriyada somaliland, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa sooyaalka taariikhda ummadda afka Soomaaliga ku hadasha khaasatan taariikhda Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker