QISADDA HEESTA “BEER LULA.” Ereyada:- Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Codka :- Xasan Aadan Samatar.

Waxaan halkan idiinkusoo gudbin doonaa qisada Heesta “Balad Wayn/Beer Lula” ee uu alifay Alle cilmiga iyo caqligaba haw barakeeyee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “HADRAAWI”, waxaanna ku luuqeeya Fanaan Xasan Aadan Samatar. Waa sheeko yaab leh oo runtii cajiib ah Waxaana afkiisa ka sheegaya mar waraysi laga qaaday Abwaan Hadraawi waatan qisadda ay heestu ku timi;
1970 waxa aanu nimi magaalada Beled Wayn, waxa aanu isugu jirnay Macalimiin; Arday iyo Koox Muusiga tumaysa oo Militeri ah, waxaannu wadnay Barnaamuj hanuunin ah oo laga waday Gobolada Dalka  oo dhan “Soomaaliya”, Annagu waxaanu wadnay Dugsiga Sare ee “Dhagax Tuur Secondary School” ardaydiisii. Raga meesha maraayey ee aannu wada soconay waxa ka mid ahaa Xasan Sheekh Muumin, Salaad Maxamed “Derbi”, Maxamed Warsame, Cabdikariin Jiir Iyo rag kale oo Suugaanta ku can ah.
Gobolkaanu ku qornayn wuxuu ahaa Baydhabo, School  walba Gobol ayaa loo diraayay markaanu Barnaamujkii kasoo qabanay Baydhabo ee aanu soo dhamaynay ayaa nala yidhi waxaad soo martaan Belad wayne, School kii loo diray muu tagine Kabacdi Balad wayne ayaanu goor habeenimo ah soo galnay kooxdayadii.

Habeenkii waxa nala siiyey meel aannu seexano, halkii ayaanu seexanay waagii ayaa beryay dadkii way wada tooseen anigu wali maan toosin waan ka dambeeyey  waxa iigu yimi halkii aan hurday laba Macalin oo Beled Wayne wax ka dhiga oo aanu is niqiinay, waanu is raacanay waxay I geeyeen Maqaaxi ku ag taala Wabiga Shabeele waanu ka quraacanay.

Markaannu quraacdii dhamaysanay ayay I yidhaahdeen; Ina mari waxaannu kusoo tusaynaa Buundada la yidhaah “Liiq Liiqato”, waa Buundo yar oo ku taala wabiga, waxaanay ka samaysantahay qoryo waxaan mara dadka oo Baabuuri ma mari karto waxaana ay ka xidhantahay labada dacal oo kaliya, markaad dul maraysano way kula lul maysaa. Waxa kale oo doonayeen inay isoo tusaan Secondary-ga ay dhigaan oo loosi maraayo Buundada. Waanu is raacnay Buundadii markaanu marayno Ayaan kaga yara hakaday/ kaga hadhay waxaan daawanayaa Wabiga iga hooseeya Dadbaa ka dhaansanaaya Xoolana way ka cabayaan, waa subax hore cadceeda falaadheheeduna qurxinayaan webiga iyo hareerihiisa. Labadii Macalin way ka talaabeen Buundada waxay ii taagan yiin kayn hadhleh hoostooda oo ay igu sugayaan intaan daawashadayda dhamaysanaayo.

Markaan cabaar yara daawanaayay wabigii Ayaan damcay inaan ka daadago biriijka ninamkii oo dacalkaan kasoo kornay mooyaane dacalka kale taagan xagoodi usoo dhaqaaqdaan is idhi ee aanan wali dhaqaaqin, waxaanisha ku dhuftay  inan kasoo koraysa Biriijka dhankaan ugasoo dhaadhacayay amintu waa subax ilaa 08:00 Subaxnimo, inantu waxay leedahay timo dhaadheer waa u fur furanyiin, xaga dambena Cadceedii ayaa timaha ka haysa. Dhaqaaqdaan is idhi Ayaan socon  kari waayayba, waxa niyadayda kusoo dhacday talow inanta ha lama laba ma ku tidhaahdaa, hadana waxaan is idhi niyow hablaha Soomaaliyeed waad taqaanaaye imikay ku caayaysaaye mayska daysaa waxba hala hadline, markaan intaas is idhi ayay inantii isoo gaadhayba, way aragtaa inaan meesha kas u taagnahay. waxaan arkay iyadoo yar qoslaysa markaasan laba eray oo carabiya  ku idhi oo macneheedu noqonaayo “Waxa Xumaan Ka Nasahan Allihii Ku Abuuray SWT”, Waxannay iigu jawaabtay “Shukran”.
Intaas kabacdi waxaanu is waydaarsanay dhawr kalmadood wallow ay iga buruud sarayso oo hadal daaye aanan indhaha siin karayninba, waanu isasoo raacnay hadalkii na dhex maray intaanu sii soconay wuxuu u dhacay sidan:-

Inantii:- magaalada maad ku cusubtahay.
Hadraawi:- Haa xalay ayaanu nimi.
Inantii:- ma qoladii barnaamujka hanuuninta ah waday ayaad tihiin.
Hadraawi :- Haa.
Inantii:- adigu kumaad tahay waan garanayaa Xasan Sheekh Muumin, Salaad Maxamed “Derbi”.
Hadraawi:- aniga waxaan ahay Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, wakhtigaasna caanba ma ahayn laakiin waxay garatay naanaysta markaan magaca u raaciyey.
Waxaanu soo gaadhnay gurigoodii oo ganjeel ahaa waanu galnay waxay iisoo qaaday kursi waxaanay I fadhiisisay geed wayn oo guriga ku hor yaalay, sheekadan ayaa na dhex martay hadana :-

Inantii:- waxa jiray kolay shay wayn oo kugu kalifay inaad subax cad ii istaagto Buundada ma ii sheegi karaysaa shaygha kugu qasbay?.
Hadraawi:- way jirtaa arin igu kaliftay inaan markaan ku arkay ku hor istaago, Taariikhdayda waa markii u horaysay ee aan meel banan ah inan aan is hor taago. Laakiin imika kuu sheegi mayo waxa igu kalifay inaan ku hor istaagee marka aan tago waxaad ka dhagaysataa Radio Muqdisho.
Inantii:- waayahay ayay tidhi waxaanay I waydiisay inta aanu joogayno magaaladda.
Hadraawi:- waxaanu joogaynaa laba habeen Barnaamujkaana waanu sidnaa kabacdi waa noqonaynaa.
Inantii:- waayahay waa xili qadadii ee markaad Barnaamujka dhamaysaan ha inoo ahaato.

Kulankaa na dhex maray waxa uu maalintaa koowaadba kusoo dhamaaday sidaa, waxaan u kici timay goobtii aanu kusoo degnay waana xili qadadii kolkii aan gaadhay waxaan tagay iyadoo laga wada qado tagay, maan qado doonan ee halkii Ayaan madaxa iyo mijaha duubay waanan seexday waxaa lay toosiyey 05:00 pm galabnimo, layguna war geliayay inaan diyaar garoobo oo Barnaamujkanu wadnay oo ahaa hanuunin- Riwaayad ah kuna saabsanaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Iyo Daraawiishtii, anigu waxaan matalayaa Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Riwaayadana waxa wada sameeyey Xasan Sheekh Muumin Iyo Aniga “Hadraawi”.

Siniimo wayn oo magaciisa la yidhaahdo “Sheekh Cali Jimacaale“ ayaannu habeennimadii ka bilownay   Riwaayadii, waxa na watay ninka la baxay Taliye Baas oo magaciisa la yidhaah Cali Dheere, riwaayadii ayaa bilaabantay qofka ugu horeeya ee mashraxa soo fuulaya ee bilaabayana waa aniga, markaan soo fuulay masrixii ee aan dadkii soo buuxiyey Sinimooga indhaha wada siiyay waxa ay ishaydu qabatay inantii oo kursiga u horeeya fadhida, bal hadaba geeraaradaan xafidsanaa ee aan intaaso habeen soo akhrinaayay helba.Kooxdii ila socotayna xaga dambe ayey igala hadlaysaa maxaa ku helay I leeyihiin?, Goor aan goor ahayn Ayaan waxoogaa yar akhriyay. Masrixii markaan kasoo dhaadhacay ayaa lay yidhi maxaa ku helay? Waan xanuusanayaa Ayaan ku idhi.

Habeenkii koowaad sidaas ayay noogu dhamaatay Riwaayadii waxaan sugayaa Habeen Labaadka, ileen waataanu inanta balanay marka Labada habeen noo dhamaadaan gudoomiyaha Gobolka ayaa u yimi Cali Dheere oo ah ninka na watay waxaanna uu ka codsay marka labada habeen idiin dhamaadaan inaad habeen saddexaad noogu dartaan si waxa kasoo baxa aannu ugu taageerno Spots ga” Ciyaaraha Magaalada “.

Habeen labaadkii ayaa la gaadhay riwaayadii ayaanu dhignay, markay dhamaatay Ayaan kasoo baxay Sinimooga meel ku began kadinkiisa Ayaan istaagay waxaan ku fadhiyaa Bokooradayda aan sito, waxaa I hor maraaya dadkii daawanayay riwaayadda oo kadinka kasoo baxaaya una socda guryahoodi. Waxa igusoo weecday saddex qof oo Dumar ah markay wax yar iiso jiraan ayay laba istaageen mid ka mid ahaydna hore ayay iigusoo socotay mise waan inantii, waanu is bariidinay waxaanay I waydiisay in hawshii caawa ka dhamaatay, laakiin waxaan u sheegay in Gudoomiyaha Gobolku naga codsaday inaan Habeen Saddexaad dhigno si waxa kasoo baxana loogu taageero Sport ga. 12 Habeeni ayay gaadhay Laydhkii magaaladana waa la bakhtiiyay, waxa aan usii dhaweeyey gurigoodii maadaama Magaaladu Madow tahay.

Intaan inanta sii shawaynayey ayuu Gudoomiyihii Gobolku u yimi Cali Dheere waxaanna uu ku yidhi habeenkii aanu idinka codsanay fasax ayaad naga tihiin, waayo waxa cabanaayay qolada Music ga tumaysay oo Military ahaa. Gabadhiina waxaan kaga imi habeen dambe Riwaayadii waanu dhigaynaa waannanu joognaa.

Habeenkii anoon waxba ogayn Ayaan seexday subaxii hore Ayaan ku war helay kooxdii oo u diyaar garoobaysa bixitaan riyaan moodayaa, waa lay kiciyey waxaana lay sheegay in la baxaayo, maynaan caawa riwaayadii dhigayn Ayaan waydiiyey? Waxaana laygu jawaabay waa Layna fasaxay ee diyaar garow waa baxaynaaye!!. Waan kacay Meherad laga quraacdo oo nagasoo hor jeedaan tagay Koob shaaha Ayaan ka dalbaday anoo cabaaya ayaa gaadhigii oo lasoo wada fuulay soo istaagay meheradii waa lagasoo degay Maqaaxidii ayaa quraac ay kooxdi ka wada dalbadeen waxa isoo ag fadhiistay Cali Dheer oo ahaa Hogaamiyaha Kooxda, waxaan ku idhi waan xanuusanayaaye ka waran hadaan caawa joogno in badan ayaynu awalba Muqdisho ka sokaynay’e. Anoo ka fikiraaya balantii inantaanu balansanayn inantii wakhtigana aanay ahayn wakhti lasii mari karo. Hase ahaatee Cali Dheere waxa uu ii sheegay inaanay suuro gal ahayn inaan sii joogno Baladwayne waxa kale oo uu igu yidhi Kooxdan Music ga tumaysaana way cabanaysaa, ee kuraasta gaadhiga guudkiisa Furshaanta dhex ah seexo. Sidii Ayaan gaadhiga ku fuulay waxaanan is duubay furshaanti kuraasta gaadhiga dhex ahayd, markuu Baabuurkii dhaqaaqay ayaan kasoo kacay oo aan so fadhiistay kuraastii. Waxaan sii eegayaa magaaladii sidaan u eegayay ayaanu ka fogaanay Magaaladii Baladwayne hurdadaydii ayaan iskaga noqday maalintaa maalintii xigtay duhurkeedi ayaanu galnay Muqdisho, waan seexday waxaan toosay 06:00 pm Fiidnimo.

Waxaan damcay inaan balantii oofiyo ahyd markaan Muqdisho tago ayaa waxaan kusoo odhaanayo aad ka dhegaysan Radio Muqdisho, suuqa ayaan Qaad u doontay gurigaan kusoo laabtay waxaanan curinta Heesta bilaabay 07:00 Pm waxaan qalinka iyo warqada kala qaaday markaan ku war helay ilays iigasoo baxay daaqada markuu waagu beryay; Heestiina waatan.

Bi’i waa jacaylow
Boodhari inuu diley
Been baan u haystee;
Bi’i waa jacaylow
Boog aan la dhayinoo
Cidi baanan karino
Beerkiyo wadnaa iyo
Bogga kaaga taalliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee
Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulka baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxshoo
Canabkii bislaadoo
Badarkiyo galleydii
Laga tuuray baalkoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu’ joogaan
Sow beri-samaadkii
Beled Weyne maan tegin;
Dhanka bari magaalada
Sow boqorad joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Cilicdii haweenkiyo
Bili loo dhameeyoo
Timo boqonta joogoo
Baal gorey la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul-cad lagu xiddeeyoo
Badh ku xeexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huwanaysa baaloo
Igu beertay lahashoon
U buseelay maan baran;
Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beer luli
Isku maannu soo bixin;
Sow bariidadaydii
Iyo bedashadeedii
Buundada ciyaartee
Beled Weyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn;
Sow bixiso weeyee
Ballan maanu dhiganoo
Beeri joog imay odhan;
Sow bayd go’aygii
Layguma bushaareyn
“maantaa la baxayaa
bulshadii imay odhan”
Sow waa bastey oo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan;
Sow taliye baasoo
Ba’anoo war-moogii
Taydii ma beenayn;
Sow badiba kooxdii
Goortay badheedhee
Baabuurki fuulleen
Anna baal kamaan korin;
Boholyow daraaddii
Sow baraq nuglaantii
Belo lagu ducaystiyo
Baryo kumaan maqnaynoo
“Biri may xumaatoo
batroolka daadshoo
ka wadaa bukoodoo
bogsan waayo” maan odhan;
Sow beriga waagiyo
Barqo kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaadh-loo
La yidhaahdo Baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaan sanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii;
Sow baaxad soorii
Iyo laba boglayntii
Maan noqon bestey oo
Bacadkii ma dheelliman;
Sow galab-baqoolkii
Annagoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo
Tumanayna Beerrey
Sow maan baraarugin;
Riyo beena weeyee
Sow baalla daymii
Baabuur lalaahyood
Haad baalle mooddoo
Fananaaya buur dheer
Isma odhan ka boodoo
Nafta sow ma biimayn;
Nin Banaadir joogoo
Beled-Weyn la haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi doonkii
Weli baafi maan ihi;
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig xiro badhaadheed;
Beerlula Allahayow
Belaayada hareer mari;
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig guri barwaaqeed;
Beerlula Allahayow
Beryo samo ku noolee;
Beled-Weyn Allahayow
Ka dhig beerta raaxada;
Beerlula Allahayow
Ka barii wax yeellada.
Dawlad Yuusuf Maxamed 
Tell: +252 63 4417917-252 63 4444096
Email:- Dowlad2009@gmail.com 
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker