Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo inay kulan yeeshaan

Waxaa maanta galinka hore lagu wadaa in xubnaha golaha shacabka ee Soomaaliya ay yeeshaan fadhi uu hore ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sida ku cad war ka soo baxay guddoonka golaha shacabka waxaa kulanka maanta ajandihiisu uu yahay fayraska korona oo xilligan fara ba’an ku haya dalka Soomaaliya, in xildhibaannada ay u codeeyaan laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo sharciga qaxootiga qaranka oo loo codeeyo.

Kulankii uu baarlamaanku uu yeeshay Sabtidii ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday ka dib markii xubno ka tirsan baarlamaanka ay gudoonka ku eedeeyeen in ay wadaan qorshe lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga.

Buuqaasi kaddib guddoonka golaha shacabka ay 5-ta fadhi ee soo socota waxa uu ka ganaaxay 15 xildhibaan oo guddoonku ku eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen kalfadhigii Sabtidii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker