UK Oo Xeerar Cusub Ku Soo Rogtay Shaqaalaha Soo-Galeetiga Ah Ee Dalkeeda Imanaya

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku hawlan Qorsheyaal lagu Xakamaynayo soo galootiga gaar ahaan Shaqaalaha Xirfadooda looga baahan yahay gudaha dalkeeda, Waxaanay Tani qayb ka tahay Qorshayaasha ay UK doonayso inay hirgliso wixii ka dambeeyay Brexit-ka ee lagu Xakamaynayo soo Galootiga ka  imaanaya Yurub inteeda kale.

 

 

Shaqaaluhu waxay u baahan doonaan inay Buuxiyaan shuruudaha Loo dajiyay oo ay ku jiraan xirfada, mushaharka iyo ku hadalka Luqada Ingiriisiga,

Qorshayaasha ayaa horseeday cadho, dhalleeceeyna kala kulmay Xubnaha Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Ganacsatada iyaga oo markaas ku tilmaamay in uu yahay wax aan macquul aheyn.

 

 

Waa kuwan Shuruudaha Loo dajiyay:

 

 

1. In uu haysto codsi la ansixiyay oo ka yimid loo shaqeeyaha

2. In shaqada uu qabanayo uu xirfadeeda leeyahay

3. In uu ku hadli karo luqada Ingiriisiga

4. In ay soo gasho mushahar dhan 20,480 pound-ka Ingiriiska ah ugu yaraan.

5. In ay soo gasho mushahar u dhaxeeya 23, 040 ilaa 25039 pound-ka Ingiriiska ah

6. In ay soo gaadho mushahar ka badan 25, 600 oo pound-ka Ingiriiska ah.

7. In Shaqada uu soo codsanayaa ay tahay mid dalka ay xirfadeedu ku yar tahay.

8. In uu shahaado PhD ah ka hayto cilmiga Shaqadiisa ah.

9. In uu shahaado PhD ah ka hayto cilmiga kale ee la xidhiidha Shaqada uu soo codsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker