Macalin Turkish ah oo Da,diisu aad u Waynayd oo Geeriyooday isagoo Akhriyaya Quraanka kariimka ah

Adana (OWN) – Waxaa Baraha Bulshada ee dalka Turkiga qabsatay Geerida ku timid Haji Ali Sulfik, oo Allaha uu Oofsaday isagoo Aqrinayo Qur’aanka Kariimka ah.

 

 

Haji Ali Sulfik oo ahaa Wadaad Xaafidul Qur’aan ah, islamarkaana Deganaa Magaalada Adana ee dalka Turkiga ayaa geeriyooday isagoo Maalin Ramadaan ah Akhrinayo qur’aanka Kariimka.

 

 

Wadaadkan ayaa Qur’aanka kariimka baray boqolaal qof oo ku nool dalka Turkiga gaar ahaan magaalada uu kasoo jeeday ee Adana.

Sawiro lagu faafiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey Wadaadkan oo ay nafta ka baxday isagoo Qur’aanka Akhrinayo, waxaana la arkay isagoo meyd ah oo ku kor jiifo kitaabka Qur’aanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker