Biden oo sheegay in uu rajeynayo xabbad joojin in laga gaaro dagaalka Israa’iil iyo Qaza marka la gaaro bilowga bisha Ramadaan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu arko heshiis xabbad joojin ah oo laga gaaro dagaalka Israa’iil iyo Qaza marka la gaaro bilowga bisha Ramadaan.

Bisha barakeysan ee Muslimiinta, oo ay muslimiinta soomaan waaberiga ilaa qorrax dhaca, waxay bilaabanaysaa 10 ama 11 March.

Mar la weydiiyay inuu filayo heshiis markaas iyo in kale, Mr Biden wuxuu yiri: “Waan rajeynayaa, weli si adag ayaan uga shaqeyneynaa.”

Waxay ku soo beegantay iyada oo ay socdaan wada-xaajoodyo xabbad-joojin ah iyadoo cadaadis lagu saarayo Mr Biden si uu gacan uga geysto yareynta colaadda.

Heshiis la soo jeediyay ayaa dhigaya in 40-maalmood hakad lagu sameeyo dhammaan howlgallada militari laga bilaabo bilowga Ramadaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker