Saddex Caruur ah oo Gaajo ugu Dhintay Magaalada Muqdisho

Xero barakacaal oo ku taalla duleedka magaaladda Muqdisho ayaa waxaa gaajo ugu geeriyooday saddex caruur ah oo ay labo mataano yihiin ka dib markii waalidkii daryeeli jiray ay ku dhinteen qarixii ka dhacay isgoyska Ekiskonrool Afgooye 28 December 2019.

 

Siciid Cabdi oo horjooge ka ahaa kaamka Calansuge ayaa  sheegay in saddexda caruura geeriyootay iyo Hooyadood oo curyaan ah ay xaaladooda nololeed ay aad u liidatay kadib markii ay qaraxii ekiskontorool ay ku geeriyootay caruurta ayaydood oo u shaqayn jirtay.

 

Horjooge siciid wuxuu ka dayriyay xaalada nololeed hooyadii dhashay saddex caruur ah ee geeriyootay, waxaa kaloo uu sheegay in Hal qof oo kale uu deganaa kaamka uu ku geeriyooday qarixii Ekiskontroo, sidoo kale wuxuu ka dayriyay xaalada nololeed ay ka jirto Kaamla Calan suge .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker