Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Gaadhay Gedo Lana Wareegay Garoonka Diyaaradaha Ee Doolow.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii lasoo dhaafay Qeybokamid ah gobolkaasi ay soo gaadheen ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaalka iyo hub kala duwan.

 

Ciidankan ayaa la sheegay in ay kasoo gudbeen xadka dalka Itoobiya la wadaago Soomaaliya, waxa ayna ciidamadan durba gaareen saldhigyana ka sameesteen garoonka diyaaradaha Doolow.

 

Ciidamo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey gacanta ugu hayay amaanka garoonka Diyaaradaha Doolow , hasa ahaatee ciidamada cusub ee Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka garoonka.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo isku haya gacan ku heynta gobolka Gedo ayaan wali ka hadlin ciidankan cusub ee Itoobiyaanka ha ee gobolka soo galay lana wareegay garoonka Diyaaradaha Doolow.

 

Maamulka Jubbaland ayaa horey gacanta ugu hayay degmooyinka gobolka Gedo, hasa ahaatee ciidamada Jubbaland ayaa si farsameesan loogala wareegay inta badan gacan ku heynta degmooyinka gobolkaasi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker