Dalalka ku bahoobay Bariga Afrika oo ka hadlay codsiga Soomaaliya ee ku biiridda ururka.

Xoghayaha cusub ee Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika Dr Peter Mathuki ayaa ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka.

Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ee ku biirida ururka ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika.

“Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xidhiidhka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka”

Wuxuu intaas ku daray in arrinta ay kala caddaan marka uu bilowdo ka hadalka codsiga Soomaaliya ee ku biiridda ururka EAC.

Quote Message: “Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas” from Dr Peter Mathuki .

“Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas” Dr Peter Mathuki.

Waddamada ku buhoobay ururka Bariga Afrika ee EAC waxaa kamid ah Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker