Daacishta Somalia oo Taageertay Hoggaamiyaha Cusub ee lagu bedalay Al-Baqdaadi

Boosaaso(OWN) – War ka soo baxay faraca Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa  ugu horreyn lagu soo dhooweeyay hoggaamiyaha cusub ee kooxdaasi, Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi, kaas oo lagu bedalay Hoggaamiyihii la dilay Abuubakar Al-Baqdaadi.

Daacishta Soomaaliya ayaa sheegtay inay u hoggaansami doonto Awaamiirta Hoggaamiyaha Al-Qurayshi, kaas oo la magacaabay Khamiistii la soo dhaafay, kadib markii bishii la soo dhaafay Weerar Qorsheysanaa Mareykanka uu ku dilay Al-Baqdaadi.

Sawir laga soo qaaday xubno ka tirsan kooxdan oo daraasiin ah, islamarkaana fadhiya geed hoostiisa ayaa sheegay inay taageerayaan hoggaanka cusub, islamarkaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Daacishta Soomaaliya inay sii wadi doonto dagaalka ay waddo iyo weerarada ay ka geysasto gudaha Soomaaliya.

Kooxdan oo uu hoggaamiyo, Sheekh Cabduqaadit Muumin oo horay uga goostay Al-Shabaab ayaa ku xoogan dhulka Buuraleyda goboka Bari ee maamulka Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo Daacishta Soomaaliya ka hadasho dilka Hoggaamiyahoodii  hore ee  Al-Baqdaadi iyo magacaabista kan cusub ee Al-Qurayshi, kadib weerarkii uu Mareykan ka fuliyey gobolka Idlib ee dalka Syria, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo laga baaran dagay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker