Xujey Weli Ku Xanibay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (OWN) -Waxaa weli ku xayiran gudaha magaalada Muqdisho boqolaal Xujey Soomaali ah kuwaas oo ay ka mid  Somaliland  iyo maamul goboleedyada  Soomaaliya  oo doonaya in sanadkan ay soo gutaan Acmaasha Xajka.

 

Dadkan   ayaa la sheegay in weli aan loo qaban wax shaqo ah, iyadoona ay sabab u tahay khilaafka ka jira arrimaha Duulimaadka.

 

Muran xoogan ayaa lagu soo warramayaa in in uu ka dhex jiro shirkadaha ka shaqeeya Duulimaadka, gaar ahaan diyaaradaha sanadkan Xujeyda u qaadaya dalka Sacuudiga.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen iyo sidoo kale shaqa joojintii shalay lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Jaalle ay sabab u tahay arrintan.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka   ayaa ka digay in sanadkan Xujeyda Soomaalida  ay ka baaqdaan Xajka.

 

Waxaana uu ugu baaqay madaxada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay soo fara galiyaan arrintan.

 

 

 

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker