Somaliland Oo Maanta Laba Qof Ugu Dhinteen Cudurka Karoona Fayras, Dad Kalena Laga Helay Cudurka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sideed iyo toban qof laga helay xannuunka Covid-19, 24 saacadood ee u dambeeyey.

 

Wuxuuna agaasimaha guud ee caafimaadka oo bulshada la wadaagaya xaaladihii u dambeeyey ee xannuunka Coronavirus, uu sheegay in baadhitaan lagu sameeyey dad tiradoodu gaadhayso saddex iyo konton  qof, iyadoo sideed iyo toban qof oo dadkkaas ka mid ah laga helay xannuunka Coronavirus, waxayna ka kooban yihiin shan iyo toban rag ah iyo saddex dumar ah, iyada oo magaalada Hargeysa ay joogaan afar iyo toban qof, halka magaalada Berbera ay ku sugan yihiin saddex qof, sidoo kale magaalada Burco uu joogo hal qof, waxayna dadkaas da’adoodu u dhaxaysaa 20 jir ilaa 69 jir.

 

Sidoo kale, agaasimaha guud ee caafimaadku Dr. Maxamed Cabdi Xegeeye, waxa uu cadeeyey in tirada guud ee xannuunka Coronavirus laga helay Somaliland ay noqonayso saddex boqol iyo afar qof, iyada oo ay xannuunkaas u jiifaan 252 qof, waxana ka bogasday dad ay tiradoodu dhan tahay 40 qof, dadka karantiinka ku jiraana ay yihiin 80 qof, waxa kale oo calaamadaha xannuunkaas 24 saacadood ee u dambeeyey laga baadhay dad tiradoodu ay dhan tahay kun iyo todoba boqol iyo lix iyo konton qof (1765 oo qof), iyada oo xirfadlayaasha caafimaad ee sida mutadawacnimada ah isu-diiwaangaliyey ay tiradoodu tahay sideed boqol oo leh xirfadaha kala duwan ee caafimaadka.

 

Waxa kale, oo uu agaasimaha caafimaadku sheegay in cusbitaalada magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco ay shaqaynayaan dhamaantoodna laga helayo ogsajiintii loogu adseegayey dadka bukaanka ah, isaga oo intaas ku daray inuu shaqaynayo mishiinkii ogasajiinta ee cubitaalka guud ee magaaladaa Hargeysa, isla markaana loo dhameeyey qalabkii uu u baahnaa ee uu ku shaqaynayey oo dhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker