Hoteel Casri ah isla markaana leh Dab-demis u gaar ah oo laga Furay Hargeysa

Hargeysa (OWN)- Magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta laga furay isla markaana xadhigga laga jaray Hoteel Casri ah oo leh Dab-demis u gaar ah, kaas oo noqonaya Hotel-kii ugu horeeyey caasimadda ee loo sameeyo gurmad dab-demis dhammaystiran oo uu gaar u leeyahay.

Hotelka oo lagu magacaabo Horizon Hotel, kuna yaalla Degmada Ibraahim Koodbuur, gaar ahaan Xaafadda Jigjiga Yar, ayaa lagu daah-furay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay furitaankiisa, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin dowladda ka tirsan, Ganacsato aqoonyahan, madax-dhaqameed iyo Marti-sharaf kale.

 

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker