Markab Ku Gubtay Dekeda Magalada Berbera

Ciidanka Dabdemiska magaalada Berbera ayaa ka hawl galay markab ku gubtay xeebta magaalada Berbera.

Markabkan oo uu dab ku qabsaday badda dhexdeeda ayaanay saarnayn wax xammuul ahaa, waxaana isla markiiba u gurmaday Ciidanka iyagoo la tacaalay dabkaas, dabka oo aad u awood badnaa iyo dabaysha oo xoog badnayd darteed waxa uu gurmadkaasi qaatay wax ku dhaw laba saac.

Waxa kale oo iyaguna dabkaas ka qayb qaatay damintiisa Gaadiidka Dabdemiska madaarka Berbera.Ma jirin cid wax ku noqotay markabkaas.

Markabkan waxaa lahaa shirkada lagu magacaabo Darwiish Constructor, Hawlgalkan waxaa iyaguna ka qayb qaatay ciidamada Booliska degmada Berbera.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker