SOMALILAND WAXAY NOQOTAY ‘ILAAHAY GEEL BADAN QOF WAA SIIN KARAA LAAKIIN NINKII U RAACI LAHAA BAA LOOGA FADHIYAA.

Marka wax laga faaloonayo wax qirid wax durid iyo wax bogaadin iyo wax u ducacayn iyo rajo in tuba waa inay ka dhex muuqdaan faalo wadan ama Dawladeed ama Ummadeed. Waxaynu ku jiraa xilli ay Somaliland la kala Wareegeen laba Xukuumadood oo isku Xusbiyah laakiin qof na qof madaxiisa MADAX uu qof kale leeyahay lagu a RAKIBI KARO hubaal labada Madaxweyne ee is bedelay wax Bay ku kala duwanaanayaan waxna iskaga mid Bay noqonayaan. Imika muddo sideed bilood aan badan dheerayn ayuu Madaxweyne Muse Biixi kursiga badhida ku hayey waxyaalo badan oo uu kaga duwanyey KII ka horeeyey ama kaga fiicanyey way muumuuqdaan haddaan uu gadaal ka harraatiyin oonay arintu (decoration) iyo Diin walalac isu rogin. Waxaa madaxtooyadii u eegaan jirtay Xarun-caafimaad oo uu madaxtooyo u ekaysiiyey. Inuu noqday Madaxweyne isagu talinayaa oo hadlaya I taal iyo khibradi meel kasta ha dhigtee, Madaxweyne wasiiradiisu ha iska balaaqad iyo saqaafad gaabnaadaane ay shaqada u wadaan si aad uga wacan sidii kuwii shirikaadka u samaystay adeeggii ummadda saboolka ah oo imikana dhegtu taagantay sida bakayla ha.

Welise dhibaatadii iyo tacadigii dhaqaale iyo maamul ee Xukuumaddii Uu Siilaanyo ka xanuunsaday geysatay fari kama qodna. Ilaahay reer Somaliland wadan meel qaaliya ku yaal buu Illaahay siiyey laakiin dadkii fahmi lahaa malaha weli hooyadood lama aroosin. Somaliduna waxay tidhaa Ilaahay nin geel badan waa SIIN KARAA LAAKIIN ciddii u raaci lahayd baa looga fadhiyaa.
Reer Somalia oo labaatankii sano ee u horeeyey aynu ku hogaaminaynay 5 – 0 ayaa mudadii Siilaanyo joogay iyo Intuu FARMAAJO yimi maalin walba goolal adduunyadu ku hambalyayso keenaysa inana Madaxweyne SIILAANYO oo aynu lahayn socod dambe kuma hadhin baa noqday (from Madaxweyne to Mukhalas) oo DB WORLD WARAAQ YAR OO WASDO AH U SOO DHIIBAYSAA. WAA HOOS U DHAC ARINKAASI. HESHIISKII MADMADAWGA BADNAA WUU KASII DARAYAA.
Somalia maanta qofkii qof dila wuxuu doono ha ahaado badhkaa la geeyaa. Kii musumaasaqa lagu soo oogo maxkamadda la geeyaa jeelkaa loo dhaadhiciyaa inana Musmuqmaasaqaa wadaradeed ee xabaalaa wadareed la mida ahaa ee gudidii Baarlamaanka farta ku fiiqday waxay ku guulaysteen inay gudoomiyhii sharaf ta badnaa ee ina Cali Shire shacabka hortooda la jiido oo micnaheedu tahay makana shacab aw geel lumay idiin soo heli kara. ARINTAASI  shakiyo Bay gelusay Muse Biixi inaanay run ka ahayn Musuqmqasaq baan la dagaalamayaa isagoo arkaya FARMAAJO siduu Musuqmqasaqa ULA dagaalamayo. Imikana xaalku waa rag siyaasi wada noqday, kii xoolaa raacayey baa mobile kiisa wax walba kala socda oo ummaddu waa network.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker