Tababaraha Kooxda Arsenal Oo Maanta Shaqada Laga Eryay

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambeyntii qaadatay go’aan ay shaqada kaga ceyrineyso tababare Unai Emery kadib markii kooxda ay heshay natiijadii ugu xumeed muddo 27-sano ah.

 

Macalinkaan reer Spain ayaan kooxda guul u keenin toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyay, waxaana xusid mudan in xalay 2-1 guuldaro ah ay ka qaateen kooxda reer Jarmal ee Eintracht Frankfurt kulan ka tirsan tartanka UEFA Europa League.

 

Unai Emery ayaa badalay Arsene Wenger oo muddo 22 sano ah ku sugnaa Gunners, 18-kii bilood uu kooxda maamulayay ma keenin natiijo aan aheyn inuu kooxda fasalkii hore geeyay finalka tartanka Europa League.

 

Tababaraha la ceydhiyay ayaa saxaafadda u sheegay kadib kulankii xalay iney diirada saaraan kulanka ay la ciyaarayaan Norwich City, balse masuuliyiin ka tirsan Gunners ayaa u fariistay xaaladiisa maanta waxeyna isku raaceen in la joogo wakhtigii laga diri lahaa kooxda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker